VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sharad - Lyrics

Shirka dumar miyaa galay Horta yaad la showrtaa Ayaad kala shushubataan Makuu sheeka dhaameen Sheekhaagu waa kuma x2 Shaydaankaagu kululaa Shidadaadu badanaa Taladaan shakaalnaba Shanshada maxaad u goysaa Sharadkaynu dhiganaba Horta maxaad u sheegtaa Maxaad maxaad u sheegtaa x2 Shilba iguma oognee Shaydaan iguma dheehnee Shiddo dooni maayee Salaan sharafle oo wacan Maysku shaafiyaynaa x2 Shiikhayga caashaqa Ha sheeg sheegin adiguye Rooxaantaydan sheekada Haku shaamareerine x2 Shaxdaan degeyba Maad garan wayna kaa shishaysaa wayna kaa shisheeyaa x2 Libaaxuba ka shiishee Shafka gumaca kaga rida sharad wuxu ku qaadaa Inuu boodda shaaximin Dhakhsa ugu shadheedhaa x2 Ana waxaan shin-tiriyoon Sharaf kugu hagoogaba Saw-digan shuwaalkiyo Shantii faralka aan gudan x2 Sharadkaynu dhiganaba Horta maxaad u sheegtaa Maxaad maxaad u sheegtaa x2 Waxaan kala shubaayaa Sheedda uga baaqaa Talaa iga shareerane Qof shinkii dhammaadiyo Shalay miyaa lasoo celin x2 Shiiloo u jeedada Shanta dhabanka-saaroo Ka shintiri ayaamoo Shimbirahana waydii x2 Shaxdaan degeyba maad garan wayna kaa shishaysaa wayna kaa shishaysaa x2
Queue is empty
-- / --