Dowlada: 8 sano ha laga dhigo mudada sugitaanka baasaboorka Norway(Qoxootiga kuma jiraan).

0
196
Baasaboor Foto: Scanstockphoto

Sida lagu sheegay war saxaafadeed shaley kasoo baxay wasaaradda waxbarashada iyo isdhexgalka bulshada ee Norway, dowlada ayaa soo jeedisay hindise sharciyeed cusub oo ku saabsan in mudada sugitaanka qofka ajnabiga ah ee dhalashada(baasaboorka) Norway laga badalo 7 sano, lagana dhigo 8 sano.

Dowlada ayaa soo jeedisay in shardigan 8-da sano ah(Hadiiba baarlamaanku uu ogolaado), laga fududeeyo dadka qoxootiga ah ee Norway ay magangalyada siisay. Iyada oo dowladu ay rabto in wali dadka qoxootinimada Norway kusoo galay, ay 7 sano kadib codsan karaan qaadashada jinsiyada Norway. Wuxuuna taas badalkeeda, sharcigan hadii la ansixiyo uu qaban doonaa dadka dacwada lagu keenay ama siyaabo kale kusoo galay Norway.

300.000 kr qofkii shaqeeyo, halaga daayo:

Dowlada ayaa hindise sharciyeedkan ay u gudbisay baarlamaanka ku sheegtay in shardigan 8-da sano ah, halaga dhaafo dadka ajaaniibta ah ee sanadkii shaqeeya lacag ka badan 300.000 kr.

Ujeedka dowlada ee soo jeedintan ayaa lagu sheegay in dadka ajaaniibta ah lagu dhiirigaliyo ka qeybqaadashada suuqa shaqada iyo barashada luuqada Norway.

Sanadkii lasoo dhaafay waxaa dhalashada dalkan Norway qaatay dad gaaraya 19.500 qof, waxaana booska koowaad kaga jiro dadka kasoo jeedo dalalka Soomaaliya, Siiiriya iyo Ereteriya.

Xigasho/kilde(Halkan kasii akhri): Endringer i statsborgerloven og integreringsloven (endring i kravene til oppholdstid mv.).

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments