Dowlada Norway oo Dr. Ayaan Bashiir ku dartay gudi(Komishin) muhiim ah.

0
160
Dr ayaan Bashiir oo ku guuleysatay bilada. Foto: BOK365.NO

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo lagu soo daabacay bogga rasmiga ah ee dowlada Norway, Dr Ayaan Bashiir Sheikh Maxamed oo kamid ah dhakhaatiirta soomaalida ah ee Norway ka howlgala, ayaa lagu duray gudiga sarre ama komishinka dowladu Norway ay kala tashato arrimaha ku saabsan feyruska corona iyo wax ka qabashada dhibaatooyinkiisa.

Ayaan Bashiir ayaa kamid ah sadex qof oo dhawaan lagu daray gudigan muhiimka ah, waxaana labada qof ee kale ee dowladu ay magacowday ay kala yihiin Professor Rolv Terje Lie oo ah bare jaamacadeed iyo Peder Kristian Olse oo ah madaxii hore ee qeybta caafimaadka Helse Sør-Øst ee koonfur-bari dalkan Norway.

Reysulwasaaraha Norway Erna Solberg ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsantahay in Dr. Ayaan iyo labada xubnood ee kale ee Komishinka Corona lagu daray ay aqbaleen magacaabista dowlada. Waxeyna reysulwasaaruhu sheegtay in aqoonta iyo khibrada sadexdan xubnood ee cusub ay noqon doonaan kuwo wax kusoo kordhiyo shaqada komishinka.

Komishinka Corona ayaa la magacaabay bishii April sanadkii 2020, waxeyna shaqadooda ugu weyn tahay inay dowlada kala taliyaan arrimaha la xiriira Corona, kahor inta aysan dowladu qaadan go´aanada ku saabsan feyruska Corona.

Dr. Ayaan Bashiir ayaa kamid ah qofka kali ah ee soomaali ah ee gudigan kujira, iyo shaqsiyaadka asal ahaan ajaaniibta ah ee gudigan lagu daray. Sidoo kale dhakhtaradan soomaalida ah ayaa sanadkii hore ku guuleystay bilada Årets ålrigte dame» oo ay bixiso xarunta Harry Hole stiftelsen. Halkan kasii akhri.

Dr. Ayaan Bashiir ayaa kamid ah shaqsiyaadka soomaalida ah ee shaqada aadka ah ka qabtay wacyigalinta

Xigasho/kilde: Tre nye medlemmer til Koronakommisjonen.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments