Dadka dalalkan kasoo gala ayaa laga qaaday shardiga karantiilka Hotellka.

0
98
Foto: Regjeringen

Dowlada Norway ayaa maanta wax ka badal ku sameysay shardiga karantiilka hotellka ee bilihii lasoo dhaafay lagu xiri jiray dadka kasoo gala dalalka dibadda ah. Waxaana dadkaa shardiga karantiilka hotellka loogu badalay inay guryahooda ku galaan karantiilka, halkii ay markii hore hotellka ku glai jireen.

Dadka kasoo imaada dalalka Ingiriiska, Germany, Talyaaniga, Hangari, Qeybo kamid ah Finland iyo bobolo kamid ah Denmark(Fiiri kaartada hoose) ayaa laga daayay shardiga karantiilka hotellka, waxaana loogu badalay inay guriga ku galaan karantiilka.

Dadka kasoo gala dalka Sweden ee Norway dariska la ah, ayaa wali ku qasban inay galaan karantiilka hotellka.

Foto: VG
Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments