Good News: Khilaafkii masaajidka Towfiiq oo ugu danbeyn xal laga gaaray.c

0
161

Sida ay NorSom News xaqiiqsatay, waxaa maalintii sabtida aheyd oo ku beegneyd sadexda bisha January ee sanadkan 2020 xal kama dambeys ah laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay labada kooxood ee soomaalida ah, kuna saabsanaa maamulka masaajidka Towfiiq ee magaalada Oslo.

Masaajidka Abu-bakar Al Sadiiq ee Drammen oo garwadeen ka ahaa wadahalada iyo ururka midowga masaajida ay soomaalidu maamusho ee Norway (Maraakiista), ayaa ugu danbeyn ku guuleystay inay isku soo dhaweeyaan, meelna isugu keenaan labada koox ee soomaalida ah ee isku heystay maamulka masaajidka.

Khilaafkan oo ahaa mid mudo soo jiitamayay ayaa sababay in bartamaha bishii na dhaaftay ee Desember uu maamulka xafiiska gobolka Oslo ku hajnabo inuu urur diimeed ahaan u tirtiri doono ururka masaajidka maamula ee TIS. Wuxuuna xafiiska gobolku soomaalida siiyay shan isbuuc oo ay khilaafkaas xal kaga gaaraan.

Waxaa dhiman arimo farsamo oo yar-yar:

Waxaa naloo xaqiijiyay in guud ahaan xal laga gaaray qodobadii la isku heystay, balse ay wali dhimanyihiin qaabkii farsamo ahaan iyo sharci ahaan la isku waafajin lahaa, sida dowlada loogu gudbiyo in khilaafkii xal laga gaaray, iyada oo lasii marayo qareemada ay labada kooxood kala wateen.

Maraakiista howshan gacanta ku heysay ayaa naloo sheegay inay dhawaan dhankooda soo saari doonaan bayaan(qoraal) ay ku cadeynayaan qodobada lagu heshiisay. Inkasta oo markii horeba aan si fiican bulshada looga dhaadhicin qodobada la isku heystay ee khilaafka gaarsiiyay heerka uu gaaray dhamaadka sanadkii tagay.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments