Norway: Dowlada oo ansixisay xeer sharci ay ku heli karaan dad horey magangalyada loogu diiday.

0
72
Wasiiradda cadaalada Norway: Monica. Foto: regjeringen.no

Wasiiradda cadaalada Norway Monica Mæland ayaa war saxaafadeed ay soo saartay jimcihii ku sheegtay in dowladu ay badaleyso qeybo kamid ah sharciga soo galootiga, si dadka magangalyo doonka ah ee horey gacanta ugu galay kooxaha ka ganacsado tahriibinta iyo ku shaqeysiga dadka, ay ugu fududaan karto inay Norway sharci ka helaan.

Wixii hada ka horeeyay qofka magangalyo doonka ee sheegta inuu ahaa qof ay ku ganacsadaan kooxaha jirka dadka ku shaqeysta(Menneskehandel), ayaa shardi looga dhigi jiray inuu maxkamad ku markhaati furo qofkii ku shaqeysan jiray, si magangalyo loo siiyo.

Shardigan adag ayaa horey boqolaal qof oo magangalyo doon ah ay ku waayeen inay Norway ka helaan sharci, iyada oo shardi looga dhigi jiray inay qofkii afduubka u heystay ay maxkamad ku markhaati furaan ama ay xogtiisa bixiyaan. Waxaana dhibaatada ugu badan ee shardigan la kulmi jiray, gabdhaha ay ku shaqeystaan kooxaha maafiyada ah ka ganacsada jirka dadka, iyaga oo gabdho yar-yar kasoo afduubto wadamadoodii, kadibna ku qasba inay jidadka magaalooyinka Norway jirkooda si qarsoodi ah uga ganacsadaan(Dhileystaan).

Balse dowlada ayaa hada badeleyso shardigaas adkaa, iyada qofka sheegta inuu kasoo baxsaday kooxahaas shardi looga dhigi doono oo kali ah inuu booliska la wadaagto kooxdii falkaas ku sameysay, ama hadii ay loo baahdana ay booliska kala shaqeeyaan helitaankooda.

Isbadalka sharcigan cusub ayay dowlady sheegtay inuu isla jimcihiiba horey ka dhaqan galay.

Xigasho/kilde: Regjeringen.no: Flere ofre for menneskehandel kan få oppholdstillatelse

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments