Giriiga oo Norway ka diiday inay qaabilaan 946 qoxooti ah oo dalkaas farro ku leh.

0
130
Wasiiradda cadaalada Norway: Monica. Foto: regjeringen.no

Laga soo bilaabo xagaagii 2017, dowlada dalka Giriiga ayaa Norway ka diiday inay qaabisho 946 qof oo Norway iska soo dhiibay, balse horey faro ugu lahaa oo magangalyo ka codsaday dalka Giriiga.

Heshiiska wadamada Yurub ee loo yaqaan xeerka-dublin, ayaa qorayo in qofka qoxootiga ah uu xuquuq qoxootinimo ku leeyahay wadanka ugu horeeyo ee magangalyada uu weydiisto ama faraha ka qaado.

Sadexdii sano ee ugu danbeeyay Dowlada Norway ayaa Giriiga u dirtay codsi ah inay dib u qaabilaan 970 qof oo qoxooti ah oo dalkaas horey magangalyo uga helay, balse Norway iska soo dhiibay.

Giriiga ayaa qaabilay 24 qof oo kali oo dadkaas kamid ah, halka ay ka aamuseen inta kale, sida lagu cadeeyay qoraal ay baarlamaanka Norway la wadaagtay wasiiradda cadaalada, Monica Mæleand.

Wasiirrada ayaa sidoo kale sheegtay in 650 qof oo dadka ay Giriiga diiday inay qaabisho kiisaskooda magangalyada mar kale qiimeyn rasmi ah loogu sameynayo Norwaym halka 250 qof ay wali jawaab sugayaal yihiin.

Xigasho/kilde: Hellas har avvist nærmere 950 returer fra Norge

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments