Nin gabar 9 jir ah ku kufsaday Belad-weyne iyo Maamulka oo ka hadlay

Booliska Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa baadi goobaya Nin la sheegay inuu Gabar 9 sano jir ah ku kufsaday Magaalada.

Guddoomiyaha Magalada Baladweyne Maxamed Axmed Ibraahim Foodcadde ayaa Warbaahinta u sheegay inay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan nin ka dambeeyey kufsiga gabadhaas.

Waxa uu sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay Magaalada Baladweyne ku soo bateen falal la xiriira dhinaca amniga oo aan la aqbali karin, wuxuuna xusay iney talaabooyin adag qaadi doonaan.

Kufsiga loo geysto gabdaha yar yar ayaa mudooyinkan laga soo sheegayey degaano ka tirsan bartamaha Somalia, dhowaan ayey aheyd markii magaalada Gaalkacyo lagu kufsaday gabar 12 jir ah oo ka dibna la dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -