Kenya oo bilowday bixinta shatiyada Qaadka loo soo dhoofinayo Somalia

Dowlada Kenya ayaa maanta bilowday bixinta shatiyada dhoofinta Qaadka Miirowga sida uu dhigayo xeerka cusub ka dib markii xanibaada laga qaaday Qaadkii ay u soo dhoofin jirtay Somalia.

Masuul ka tirsan Miraa Pyrethrum ayaa sheegay inay heleen illaa hadda ugu yaraan 20 dalab oo ka yimid dadka xiisaynaya dhoofinta Jaadka ayna bilaabeen diyaarintooda.

Waxaa dib u dhac ku yimid shati la’aanta darteed, dib u bilaabida ganacsigii Qaadka ee Somalia kaddib markii ganacsatadu ay ku khasbanaadeen inay qaataan sharciyada cusub ee dhigaya in ay haystaan ruqsado cusub kahor inta aysan dhoofin Qaadka.

Kimathi Munjuri oo ah Guddoomiyaha Ururka Ganacsiga Miraa  ayaa sheegay in Wakaaladda Beeraha iyo Cunnada Kenya  aysan weli u fasixin dhoofinta Qaadka ee Somalia.

Madaxda dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhowaan gaaray heshiis qodobo badan ka kooban oo la xiriiray is dhaafsiga ganacsiga, fududeynta safarada iyo qaar kale, waxaana laga heshiiyey qoobkii ugu weynaa oo ahaa in Kenya dib u bilowdo ganacsigii qaadka Somalia.

- Advertisement -