Raisul Wasaare Rooble oo kulan xasaasi ah la qaatay Tina Intelmann (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Tina Intelmann .

Rooble iyo Safiirka ayaa kawada hadlay mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageero Soomaaliya iyo horumarrada laga sameeyey geeddi socodka doorashooyinka dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaruhu.

Safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Tina Intelmann ayaa bogaadisay dedaalada uu wado Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya gaar ahaan hirgelinta doorasho raali laga wada yahay.

Kulankan ayaa imaanaya xili Wakiilada beesha caalamka ee jooga Soomaaliya ka walaacsan yihiin khilaafka xiligan u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble, khilaafkan ayaana laga cabsi qabaa in saameyn ku yeesho doorashada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -