Ardayda Soomaalida ee Sudan oo baaq cabasho ah u diray dowlada Somalia

Kulan ballaaran oo ay soo agaasimeen Midawga ardayda Soomaliyeed ee wax ka barta dalka Sudan ayaa lagu qabtay magaalada Khartuum waxaana kasoo qeyb galay dadweyne badan oo isugu jira arday iyo waalidiin Soomaaliyeed.

Waxaa kulankan looga hadlay culeysyo dhinaca sharciga oo dowlada Sudan ku soo rogtay muwaadininta Soomaaliyeed ee sudan ku nool kuwaasoo caqabad ku noqday saameyna ku yeeshay ardayda iyo Jaaliyada Soomaaliyeed waxaana baaq loogu diray dowlada Soomaaliya Si ay wax uga qabato dhibaatadan oo taagneyd muddo 7 bilood ka badan.

Dadkii kala duwaanaa ee kulanka ka hadlay oo isugu jiray arday iyo Waalidiin Soomaaliyeed ayaa DF ka codsaday inay dhigeeda Sudan kala hadasho cabashada ardayda iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee halkaas ku nool.

Qaraarka ay dowlada Sudan soo saartay waxay ku sababeysay in muwaadiniinteeda jooga Soomaaliya oo lagu kordhiyay lacagaha lagu sameysto sharciga dalku jooga taas bedelkeedana ay si la mid ahna ku soo rogtay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sudan ku nool lacag u dhiganta tan laga qaado sudanta Soomaaliya ku nool.

Arintan ayaa caqabad Weyn ku noqoneysa dadka Soomaaliyeed ee Sudan ku nool gaar ahaan ardayda wax ka barata dalkaas oo aad u fara badan

W/Q: Abdifatax Ciise Xaashi

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -