Iran oo Faah faahisay Sababtii loo soo riday Diyaaradii Ukrane ee ku bur burtay Tehran

Milatariga Iran ayaa qirtay in iyagu ka dambeeyeen soona rideen diyaaradii rakaabka ee laga lahaa dalka Ukrane ee maalo kahor ku bur burtay meel ku dhaw magaalada Tehran ee caasimada Iran.

Bayaan kasoo baxay milatariga ayaana lagu sheegay in si kam ah diyaarada loo soo riday, waxa ayna Iran balan qaaday in talaabo laga qaadi doono sida ay tilmaantay cidii masuulka ka aheyd talaabadaasi diyaarada lagu soo riday.

War cusub oo kasoo baxay milatariga Iran ayaa lagu sheegay in diyaarada la qarxiyay ay ku soo dhawaatay goob xasaasi ah oo ay leeyihiin ilaalada Kacaanka Iiraan islamarkana loo maleeyay in ay tahay diyaarad cadow.

Diyaarada ayaa waxaa ku dhintay dhamaan rakaabkii saarnaa oo gaarayay 176-qof oo u badnaa dad u dhashay Iran, waxaana talaabadan si kulul u cambaareeyay qaar kamid ah wadamada caalamka.

Madaxweynaha dalka Iran Xasan Ruuxaani ayaa qiray in si khalad ah u dhacay gantaalka diyaarada lagu soo riday, waxa uuna cadeeyay in talaabadaasi ay aheyd qalad aan la hilmaami doonin.

Milatariga Iran ayaa oo riday Diyaaraddan oo ay leedahay shirkadda duulimaadyada ee dalka Ukraine  saacado un kadib markii Iran ay weerartay saldhigyada Mareykanka ee gudaha dalka Ciraaq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -