Jasiirad caan ah oo haweenka aan loo ogoleyn iney caruur ku dhalaan (Daawo Sawirro)

Jasiirad geeri go’an ah oo ku taala dalka Brazil, horayna looga mamnuucay in haweenka ay halkaasi ku ummulaan ayaa u dabaaldageysa ilmihii ugu horeeyay ee jasiiradaasi ku dhashay muddo 12 sano ah.

Jasiiradda Fernando de Noronha ayaa 370 kilmitir u jirta magaalada Natal ee dalka Brazil, waxaana jasiiradan ku nool saddex kun oo qoys, kuwaasoo aan loo ogoleyn in wax ilma ah halkaasi ay ku dhalaan.

Haweenka uurka ah ayaa laga dalbadaa inay ka ambabaxaan magaalada, oo ay ku soo ummulaan magaalooyinka kale ee dalka Brazil.

Haweeney aan dooneyn in magaceeda la shaaciyo ayaa gabar ku dhashay jasiiradaasi maalintii sabtida, balse arrinta la yaabka leh ayaa waxaa ay noqotay markii haweeneydaasi ay tiri marnaba kama war heynin inaan uur ahay, waxaana ay intaa ku dartay inay la yaabtay markii ay dhashay.

Habeenimadii jimcaha, waxaan dareemay fool, markii aan aaday dhanka musqusha qubeyska, waxaan arkay ilmo kasoo dhex baxaya labadeyda lugood” waxaa sidaasi tiri haweeneyda ilmaha dhashay.

Maamulka jasiirada ayaa war qoraal ah oo ay soo saaren waxaa ay ku xaqiijiyeen dhalashada gabadahaasi oo markii ugu horeysay muddo 12 sano ah ku dhalatay jasiiraddaasi, iyadoo Qoyska haweeneydan ay iyaguna sheegeen in aysan ka warqabin uurkeeda.

Jasiiradda Fernando de Noronha ayaa kamid ah kuwa ugu caansan caalamka dhanka dalxiiska, waxaana la sheegay in jasiiradan ay can ku tahay xayawaanka duur joogta, shimbiro midabo kala duwan leh iyo xayawanaad kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -