Shaqaalaha Facebook oo ka carooday qoraal uu Trump soo dhigay boggiisa

0
579

Shaqaalaha Facebook waxay sheegeen iney ‘ceeb dareemayaan’ maadaamaa qoraalka muranka dhaliyey uu madaxweynaha Trump toddobaadkii hore soo dhigay boggiisa Facebook aan laga saarin.

Mr Trump ayaa boggiisa Facebook ku soo qoray qoraal ku aaddan mudaharadyada ka socda Minneapolis oo la mid ah kuwi ay Twitter horay u diidday.

Twitter waxay madaxweynaha u dirtay digniin ku aaddan qoraallada uu bartiisa Twitter-ka soo dhigo, balse Facebook waxay sheegtay iney ku xadgudbeyn shruucda u yaalla shirkadda Facebook.

Shaqaalaha Facebook waxay sheegeen “ceeb iney dareemayaan”.

Madaxweynaha wuxuu boggiisa uu ku soo qoray “Ciidamada ilaalada qaranka inuu hoolgelinayo” iyo digniin uu mudaharaadayaasha u diray oo ah “haddii ay bililiqadu billaabato, toogashadana wey billaabaneysaa”.

Balse qoraalkaasi uu Trump boggiisa Facebook soo dhigay ayaan la taaban kaddib marki uu mulkiilaha Facebook Mark Zuckerberg uu sheegay shruucda shirkadda u yaalla inuu ixtiraamayo.

Shaqaalaha Facebook ayaa maanta xaruunta dhexe ee shirkadda ka sameynaya dhaqdhaqaaq ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan farriinta Trump ee bogga Facebook laga saari waayey.

“Dadku iney oggolaadaana ama ay diidaan labaduba wey dhacdaa, balse waxaan rajeeynayaa iney fahmaan falsafaddaannada ee ah in wax weliba laga wada hadlo gaar ahaanna marka ay xaaladaha noocan oo kale ah kacsan yihiin,” ayuu yiri Zuckerbeg.

“Si aad ah ayaan uga soo horjeedaa madaxweynaha sida uu arrintan uga hadlay, balse waxaan aaminsannahay inaan ogaanno sida looga falceliyo marka ay mas’uuliyiinta xilka uu saaran yahay ay hadalla noocan ah ah ku hadlaan si aan gabbasho lahayna u soo dhigaan.”

“Aamusnaanta wey adagtahay”

Shaqaala badan ayaa muujiyey dareenkooda ku aaddan sida ay ugu jahwareeren go’aannada, barasha bulshada laga qaato.

Trump

“Farriinta uu Trump soo dhigay boggiisa Facebook oo uu rabshadaha ku hurinayo, waxay i dareensiisay inaan ceebeysanahay inaan halkan ka shaqeeyo” ayuu yiri Lauren Tan oo ah Software Engineer.

“Si aad ah ayaan uga soo horjeedaa… Aamusnaantuna wey adag tahay.”

“Waxaan u baahannahay shirkad ahaan inaynu kasbannaa saaxibbadeenna madowga ah iyo muwaaddiniinta oo dhanba, mana aha inaan qayb ka noqonno si hurinta dhibaatooyinka bulshada ka dhex dhaca,” ayuu yiri David Gillis oo ah agaasinka naqshadeynta Facebook.

Shirkadda Faceboo waxay sheegtay “iney aqoonsan tahay xanuunka” ay shaqaalaha shirkadda intooda badan dareenmayaan.

“Shaqaalaha waxaan ku dhiirragelineynaa iney si xor ah iney u hadlaan marka ay maamulka arrin uga soo horjeestaan. Inakasta oo aan la kulmeyno arrimo u baahan go’aanno adag inaan ka qaadanno, haddana marweliba falcelinta shaqaalaha waan u baahannahay,” ayuu yiri afhayeenka shirkadda Facebook.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Mulkiilaha Facebook Mark Zuckerberg Jimcihi ayey taleefan ku wada hadleen. Balse lama sheegin wadahadalkooda waxa uu ku saabsanaa iyo waxa ka soo baxay midna.

“Waxaan ka soo horjeednaa Cunsuriyadda”

Facebook waxay maanta ku dhawaaqday $10 malyan oo doolar iney ku deeqday “dadaallada looga jiro ka hortagga caddaalad darrada cunsuriyadda ka dhalata.”

“Waan idin maqalnaa, Waan idin aragnaa, waana idinla jirnaa,” ayey tiri shirkaddu farriin ay baraha bulshada soo dhigtay

“Waxaan ka soo horjeednaa cunsuriyadda. Waxaan garab istaageynaa bulshadeenna madowga ah iyo cid kasta oo ka shaqeyneyso iney caddaalad helaan George Floyd, Breonna Taylor, Ahmaud Arbery qaar kale oo badan oo magacdooda aan la illaawi karin.”

Balse Shirkadda Facebook lacagta $10-ka malyan ee doolar oo ay ku deeqay cidda ay siineyso iyo sida ay u qaybineyso midna ma sheegin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here