Mid Ka Mid Ah Xisbiyada Siyaasadda Ee Ingiriiska Oo Xubnihiisa Ugu Baaqay In Ay Soomaan Bisha Ramadaan

0
751

Xisbiga Liberal Democrats ka ee dalka Ingiriiska oo magaciisa loo soo gaabiyo (Lib Dems) ayaa xubnihiisa iyo taageereyaashiisaba ugu baaqay in ay soomaan maalinta sabtida ee 25-ka Abriil 2020 ka, si ay muslimiinta ugala qaybgalaan soo dhoweynta bisha Ramadaan, isla markaana ay u tijaabiyaan iska deynta cuntada iyo cabbitaanka ee saacado badan.

Xisbigan oo 11 xildhibaan ku leh golaha baarlamaanka ee dalka Ingriiska ayaa sheegay in muslimiinta oo lala soomaa ay tahay tusaale weyn oo muujinaya ruuxda iskaashiga iyo isku xidhnaanta. Taas oo baahida loo qabaa ay sii badantahay maanta marka la eego marxaladda uu adduunku marayo.

Warmurtiyeed arrintan khuseeya oo uu xisbigu soo saaray habeennimadii Isniintu soo gelaysay ee 20 Ka Abriil  waa uu ku sheegay in soonku uu yahay tijaabo uu nooceedu dhif innagu yahay, iyo fursad run ah oo waayo-arag loogu noqonayo dareenka gaajada iyo harraadka ee saacadaha badan ay muslimiintu ku jirayaan.

Xisbigu waxa uu warmurtiyeedkiisa ku sheegay in baaqiisani uu khuseeyo oo keliya xubinihiisa iyo taageereyaashiisa, waxa aanu ku afeeftay in aanu soonkan ugu baaqayn xubnaha caafimaadkoodu aanu fiicnayn.

Dhinaca kalana waxa uu xubnihiisa soomaya u soo jeediyey in marka afurta la gaadho ay baraha bulshada ku baahiyaan dareenkooda la xidhiidha soonka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here