“Sicir Bararka, Qabyaaladda Iyo Shuban Biyoodku Waa Aafo Qaran Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale

0
521

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka Guddida Joogta ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale, ayaa aafo qaran ku tilmaamay qabyaalada, sicir bararka iyo shuban biyoodka ka taagan dalka, waxaanu sheegay in intaba loo baahan yahay in dadka laga sifeeyo, oo wax laga qabto.

Guddoomiye ku xigeenka Guddida Joogta ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Arinta sicir bararka marar badan baa laga hadlay, anaguna halkan Golaha waanu kaga hadalnay, Madaxda ay khuseeysana waanu u yeedhnay, Sicir Bararku waa aafo qaran oo ina haysata, waa arin u baahan in dagaal weyn laga qaado, oo wax laga qabato, waa mushkilad ina haysata, marka arinta sicir bararka laga hadlayana Hay’addaha ay khuseeyso ayaa farta lagu fiicqaya, arinta sicir bararku uma baahna in maalin laga hadlo, ee wuxuu u baahan yahay in si cilmiya loo darso oo mushkilada la helo marka hore, oo la yidhaahdo sababtaas iyo sababtaas ayaa sabab u ah sicir bararka, markaas ayaa la helayaa sidii loo xalin lahaa, iyo xalka wax lagaga qabanayo, markaas arintaasi waa aafo weyn, Hay’addaha dhaqaalaha ee ku shaqada leh, haddii ay tahay Wasaaradda Maaliyadda iyo haddii uu yahay Baanka Dhexe, waxa ugu muhiimsan ee wax lagaga qaban karaana waa in la xoojiyo Baanka, laakiin waa inuu Baankuna helo itaalkii uu wax kaga qaban lahaa, arin kastaaba marku yimaado waa in cid loo daba fadhistaa, haddii laga hadlaayo Caafimaadka iyo shuban biyoodka waa in Wasaaradda Caafimaadka loo daba fadhista, oo loo daba istaaga, Dadka iyo Ganacsatada laftooduna waa inay ka qayb qaatan”.

Xildhibaan Axmed Ducaale mar uu ka hadlaayey Qabyaalada ayaa yidhi “Aafo kale oo qaran baa ina haysta oo ah Qabyaalada, wakhtigii hore Qabyaalada si fiican baa loo isticmaali jiray, laakiin imika waxaad mooda in si xun loo isticmaalo, oo kii doonaya inuu wax yar sameeyo qabyaalada ayuu istaadhaya, oo waliba si aan haboonayn ayuu u isticmaalaya, markaas iyadoo arin kale la isku haya, ayaad arkaysa shakhsiyaad leh hadii aanu nahay reer hebel sidaas iyo sidaas ayuu aanu sameeynaynaa, reer hebel waxba umay tarin ee digaan-digaha ayey ka dhigeen, qabyaaladu wey iska jirta oo waxaynu ka takhaluusi karno maaha, ee dhinaca wanaagsan ha laga isticmaalo, markaas Sicir bararka, qabyaalada iyo shuban biyoodku waa aafooyin qaran oo dalkeena ku soo kordhay ee waxa ha laga qabto”.

Dhinaca kale Xildhibaan Axmed Ducaale Bubaale ayaa ka hadlay shuban biyoodka ka dilaacay deegaano ka tirsan Somaliland, waxaanu sheegay in Shuban Biyoodku uu ka soo fiday dhinaca xadka, waxaanu tilmaamay in Wasaaradda Caafimaadku door lixaad leh ka qaadatay, xakamaynta cudurkan, waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqay Wasiirka Caafimaadka, oo uu sheegay inuu xilkasnimo dheeraad ah muujiyey, balse wuxuu sheegay in aan loo baahnayn Wasiiru dawlaha Caafimaadku in aanu dhaliilin Wasaaraddiisa, ee haddii Wasaaradda wax ka khaldan yihiin loo baahnaa inuu guddaha wax laga saxo, waxaanu guud ahaan Bulshada ugu baaqay inay aad uga feejignadaan cudurkan, oo ay iska ilaaliyaan.