Wasiir Sacad Cali Shire Oo Sheegay Hawlaha Ay Imaaraadku Ku Fushan Karaan Saldhiga Berbera Laga Siiyay

0
555

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in saldhiga Imaaraadka Carabta ee Berbera noqon doono sida saldhigyada kale ee dunida.

Wasiir Sacad, oo u waramay shabakadda wararka caalamiga ah ee BLOOMBERG, wuxuu sheegay in Somaliland heshiiska saxeexday ka dib markii ay la tashi iyo wada shaqayn la samaysay shirkadda Looyarada ee loo yaqaano Simmons & Simmons, “Wuxuu noqon doonaa sida saldhigyada kale ee dunida. Waxay u isticmaali doonaan adeeg war doon, adeeg tababar iyo mararka qaar adeeg hawlgalo.” ayuu yidhi Sacad Cali Shire oo intaas raaciyay in dawladda Imaaraadka Carabtuna dhinaceeda qabsatay looyaro u gaar ah oo aanu magacaabin.

Shabakadda BLOOMBERG, ayaa sheegtay inay laba email u dirtay shirkaddan Simmons & Simmonsi ay wax uga weydiiso  heshiiskan balse kamay jawaabin. Sidoo kale waxay shabakadu sheegtay inay la xidhiidhay wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta oo aan soo bixin wax jawaab ah.