Geeska Afrika oo xogo Dheeraad Ah Ka Helay Jawigii Gudaha Madasha Wada Hadalka Somaliland iyo Somaliya Iyo Dareenada Ergada

0
640

 

qaranHargeysa(Geeska)-Wargeyska Geeska Afrika, ayaa helay xogo kala duwan oo la xidhiidha qaabkii ay u dhaceen wada hadaladii dhex maray Somaliland iyo Somaliya oo ay kala matalayeen laba guddi oo kala duwani, xogahaas oo la xidhiidha qaabkii uu kulanku ku furmay iyo weliba sidii loo wada hadlay.

 

Furitaankii Shirka

Kulanka ayaa ku furmay jawi degen oo ay labada dhinac u muuqdeen inay kala maagayaan, waxaana shirka furay dawladda Ingiriiska oo ka warantay ujeedada kulanka, waxaanay dawladda Ingiriisku isku dayday inay si diblomaasiyadeed isugu soo dhawayso labada dhinac oo ay ka dareentay kala didsanaan marka laga reebo salaanta oo ay weheliyeen hadalo kaftan ah oo Somali ah. Intaas ka dibna waxa iyaguna kelmado kooban yidhi labada guddoomiye ee labada wefti oo kala ahaa Maxamed Cabdillaahi Cumar oo Somaliland ka socday iyo Cabdisamad Macalin Maxamuud oo ka socday Somaliya.

Waa loo kala baxay

Intaas ka dib waxa loo kala baxay labadii guddi ee ka kala socday Somaliland iyo Somaliya oo fadhiistay laba miis oo iska soo horjeeda. Waxa bilaabantay dood adag oo dhex martay labada dhinac, xubnaha qaar ayaana u muuqday kuwo mawqif  adag taagan, halka ay kuwo kalena doonayeen in meel dhexe la isugu yimaado si wada hadalku midho u dhalo, waxaa iyaguna jiray xubno ku hadlayay luuqad ka kakan. Tusaale ahaan safiirka Somaliya ee Djibouti oo ka socday weftiga Somaliya Mr. Cabdiraxmaan Guulwade oo ay u dhaxday gabadh uu dhalay keligii taliyii Maxamed Siyaad Barre, isla markaana ahaa taliyaha ciidamadii guulwadayaasha, ayaa ahaa ninka ugu luuqadda xun weftigii ka socday Somaliya. Sida ay Geeska Afrika ilo xogogaali u sheegeen wuxuu u muuqday nin qodob kasta oo la isku afgarto dood ka keenayay, waxaanu doodiisa sal uga dhigayay in laga guuray dawladnimadii Somaliland ee lixdankii, ka dib markii ay la midowday Somaliya. Cabdiraxmaan Guulwade wuxuu ku buuxay Faysal Cali Waraabe oo uu dhawr goor ku eedeeyay inuu jidh diidayo inuu la hadlayo Somaliya. Hase yeeshe ergada Somaliland ayaa la sheegay inay u muuqdeen kuwo aan danaynayn hadalada xubintaas oo ay muuqatay inaanu ergada Somaliya wax culays ah ku lahayn islamarkaana aan saamayn ku yeelan qodobadii ka soo baxay kulanka. Guud ahaana ergada Somaliland ayaa u muuqatay mid uu diyaar garow wanaagsani ka muuqday una kala cadayd ereyada ay ka jawaabayaan iyo kuwa aan ahmiyada lahayn ee marin habaabin kara hab sami u socodka ajandaha shirka.

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee dawladda Sheekh Shariif Mr. Axmed Caydiid, oo dhalasho ahaan ka soo jeeda gobalka Sool ee Somaliland, oo ahaa shakhsiga ay weftiga Somaliland aaminsanaayeen inuu shirka si adag uga hadli doono, ayaan la soo bixin wixii laga filayay marka laga reebo dhowr erey oo uu ku duray qaddiyadda Somaliland, laakiin aakhirkii waxa la sheegay inuu afkiisa xidhay.

Marka ay qodob kasta doodiisu dhammaato islamarkaana la isku afgarto, waxa loo yeedhayey dhexdhexaadiyayaasha oo nuxurka qodobka loo gudbinayay si ay u suurtogasho in wada hadalku hore u sii socdo oo aan lagu noqon qodob hore logoa soo gudbay, sidaas ayaanay hawsu u socotay ilaa la gaadhay gunaanadkii shirka.

Wada hadalkii labada guddoomiye

Markii ay labada guddi isla lafo-gureen qodobo badan oo loo soo saaray inay war-muriyeedka galaan, balse ay qodobadii u muuqdeen kuwo tiro badan oo dhawr goor isku soo noq-noqday, ayaa sida ay ilahaas xogogaalka ahi sheegeen, waxaa soo ururinta nuxurka waxyaabihii la isla meel dhigay loo xil saaray labada guddoomiye ee labada dhinac oo kala ahaa wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliya Cabdisamad Macalin Maxamuud, oo aakhirkii ergada labada dhinac ku soo celiyay siddeed qodob oo saxaafadda loo soo bandhigay.

Gunaanad

Jawigii uu wada hadalku ku furmay iyo sidii uu ku dhammaaday waxay kala ahaayeen laba weji oo aad u kala fog. Kulanku wuxuu ku bilaabmay kakanaan iyo kala weji dadab, waxase uu ku dhammaaday furfurnaan iyo isu soo dhawaansho, waxaana la sheegay in xataa Mr. Guulwade oo furitaankii shirka aad u adkaa uu markii dambe is bedelay una muuqday nin ka soo dabcay mawqifkiisii, waxaana kulankii lagu soo gunaanaday weji furnaan iyo sawiro wada jir loo galay iyadoo la kaftamayo.