Hot Topics

Faallo:-Muxuu yahay ujeedka dagaalka ay ugu jiraan Tigreega?

Tigree laba ujeedo,ayay dagaalka ugu jiraan oo ay usocdaan in ay gaaraan…

1.In la dhiso Dowlad KMG ah oo fududaysa kala taga iyo Qowmiyadii go’aysa in ay Go’do.

2.In ay helaan Dowlad Adis fadhida oo Konfedereeshin ah,Basaboorka iyo Lacagta kaliyana ay Itoobiyada kale Shirko kula ahaadaan.

Si Labadaas ay ugaaraan waa in ay burburiyaan Dowlada hada Adis ka talisa ee aaminsan Itoobiya mid ah oo hal magaalo iyo hal Xaafiis looga taliyo,isla weynida iyo lahaanshaha Amxaaradana ilaalisa.

Hadaan nahay Somalida Fadaraalisimka fahansan halkaas,ayaan kawada soconaa oo Tigree isku dhabo,ayaan ku aroornaa.

Somalida tirada yar ee aan Beelahoodu aysan saamayn weyn ku dhex lahayn D.Goboleedyada ay Deegaan ahaan kasoo jeedaan,waxay taageero uhayaan aragtida Amxaarada ee ku gabata Wadaniyada iyo Midnimada.

Balse waxaa muuqata in aragtidaas laga guuray oo ay shaqaysay rabitaanka inta badan ee Bulshada Geeska Afrika ee Fadaraalka ama Komfadareeshinka ah.

Jibril Qoobey.