Hot Topics

Madaxweyne Museveni oo Dhowaan imaanaya Magaalada Muqdisho.

KAMPALA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Uganda Yoweri Museveni, ayaa booqasho rasmi ah dhowaan ku imaanayo Magaalada Muqdisho, sida ay Shaacisay Madaxtooyada dalka Uganda.

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa Casuumaad ka helay dhiggiisa Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, oo ay maalmo ka hor isku arkeen magaalada Addis Ababa, halkaasoo ay uga qeybgaleen shirkii 32-aad ee madaxda Midowga Afrika.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dalbaday Museveni inuu Muqdisho yimaado oo uu soo arko horumarka dhinaca siyaasadda ee uu dalka ku tallaabsaday sanadihii u dambeeyay, wallow aan si rasmi ah loo shaacin xiliga uu imaanayo.

Qoraal ay faafisay Madaxtooyada dalka Uganda ayaa lagu sheegay in Museveni  uu Madaxweyne Farmaajo kula taliyay inuu sameysto Ciidan iskood u shaqeysta oo Soomaali ah, kuwaas oo ah maleeshiyaad gobolada dalka laga soo kala xulayo.

Sidoo kale, Qoraalka Madaxtooyadda Uganda ayaa lagu sheegay in muddo ku siman laba sano gudahood lagu qarameen karo Ciidankaas, iyadoo lala kaashanayo Odayaasha qabaa’ilada ay ka soo jeedaan Ciidamada.

Ciidamada difaaca Uganda ee  UPDF  waxa ay hore u ahaayeen Maleeshiyaad  Jabhad ah oo uu Museveni hoggaaminayay, Kuwaasoo markii uu talada Uganda AFganbiga ku qabsaday ka dhigtay Ciidan Qaran, iyadoo sanadkan 2019 Uganda laga xusay sanad guuradii 38-aad ee ka soo wareegatay markii Ciidankaas la Qarameeyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan ka carootay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, kaasoo uu ku sheegay in Soomaaliya ka mid tahay dalalka aan laheyn dowlad shaqeysa.

IDIL NEWS