Hot Topics

Talyihii Booliska Puntland Oo xilkii laga qaaday Xabsi Gurina lagu xukumay

Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Lr. 126 , soona baxday shalay oo taariikhdu ahayd 22 October 2017 , ayaa lagu sheegay in shaqadii looga joojiyey xabsi gurina lagu xukumay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.
 
Digreeto kale oo ka soo baxday Xafiiska madaxweynaha ayaa e G/Sare Cabdullaahi Shire Dool si kumeel gaar ah loogu magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.
 
Shaqo-joojinta taliyaha ayaa la xiriirta ismaandhaaf iyo gacan-ka-hadal labo habeen ka hor ku dhexmaray Hotelka Jubba ee Garoowe taliyaha booliiska Gen Ereg iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Farweyne. Ismadhaafkan ayaa sababay in rasaas uu riday taliyaha booliisku ay ku dhacdo, dhaawacna uu ka soo gaaro taliye K/xigeenka booliiska Puntland Bile Faarax Cali.
 
Warar kale ayaa sheegaya in la magacaabayo guddi baaritaan rasmi kusoo sameeyay sidii ay u wax u dhaceen xiligii u socday shirkii looga hadlayay amniga caasimadda Garoowe, kaasi oo isugu yimaadeen guddiga nabadgelyadda gobolka, Taliyaha booliiska Puntland iyo wasiirka amniga.
 
Taliyaha uu madaxweynuhu shaqada uu maanta ka joojiyay ayaa bishii hore loo ogolaaday inuu dib shaqadiisa uu u bilaabo kadib markii madaxweyne K/xigeenka Puntland uu shaqada ka fariisiyay.