Somaliland: “Ninkaas Gay-ga Ah Hay’addii Dalka Keentay Iyo Cidii Aqbashayba Waa In La Maxkamadeeyaa Waayo Waxa Uu Ka Soo Horjeedaa Dhaqankeena Iyo Diinteena” Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta

0
744

Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Oo  Si Adag Uga Hadashay Soo Dhawayntii Loo Sameeyey Wariyaha U Olaleeya Guurka Dadka Isku Jinsiga Ah

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa ka hadlay nin suxufi ah oo u ololeeya guurka dadka isku jinsiga ah oo todobaadkii ina dhaafay dalka lagu soo dhaweeyey isla markaan kulamola yeeshay qaar ka mid ah masuuliyiinta dawladda oo ilaa heer madaxtooyo gaadhsiisan.

Wasaaradda diinta awqaafta ayaa soo jeedisay in hay’addii ninkan dalka keentay iyo cidii aqbalka siisayba in la maxkamadeeyo oo sharciga lala tiigsado, maadaama ay fikradda ninkani aaminsan yahay ka hor imanayso dhaqankeena, diinteena iyo dastuurkeenaba.

Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo shir jar’aaid oo aan rasmi ahayn kaga hadlay arrintan ayaa sheegay inaanu ninkani wax dambi ah lahayn balse ay tahay in la maxkamadeeyo cidii dalka keentay, waxaana uu yidhi:

“Waa in maxkamadda la tago oo la maxkamadeeyo hay’adda dalka keentay, idinkuna (saxaafad ahaan) xaqbaad u leedihiin inaad tidhaahdaan ninkan cidii dalka keentay noo cadeeya, ninkii dalka keenay iyo kii aqbalay waa in la helayaa ninka Gay-ga ah isagu dambi malaha waayo waa loo ogolaaday laakiin wixii dastuurkeena ka soo horjeeda cidda keentay waa in la maxkamdeeyo”

Anderson oo asal ahaan wariye ka shaqeeya telefishanka CNN ayaa xaas u ah nin kale oo dhigiisa, halka ay hooyadiina xaas u tahay gabadh kale waxaana uu dhawaan yimi Somaliland iyadoo ay madaxda Somaliland si wayn u soo dhaweeyeen.