Faro-xumeyn Lagu Eedeeyay Xaakimka Ugu Sarreeya Dalka Hindiya

Xaakimka ugu sarreeya Hindiya, Ranjan Gogoi, ayaa lagu eedeeyay inuu faro-xumeyn kula kacay haweeney ka shaqeyn jirtay maxkamada gudoomiyaha ka yahay.

Haweeneyda oo 35 jir ah ayaa gudbisay dacwad ay ku sheegayso in bishii Oktoobar ee sanadkii hore uu xaakimka laba goor ku xadgudbay, xilligaasi oo ahayd waxyar uun kadib markii xilka loo magacaabay.

Waxa ay intaa ku dartay in qoyskeeda la dhibaateeyay markii ay diidday faro-xumeynta uga timid xaakimka.

Xaakim Gogoi oo war qoraal ah ka soo saaray eedeynta ayaa “si buuxda u beeniyay” waxaana uu ku tilmaamay isku day “xasillooni darro looga dhex abuurayo waaxda garsoorka”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker