Hargeysa: Shaqaalaha Dawlada Oo Maalinta Barito Lagu Wargaliyay In Ay Shaqada Fasax Ka Yihiin Munaasibada Al-isra wal-micraaj Awgeed.

0
190

Hargeysa,(HargeisaPress)โ€“ Hayโ€™adda Shaqaalaha Dawlada Ayaa ku Wargelinaysa Dhammaan Shaqaalaha Hayโ€™adaha Dawladu in ay Maalinta Barito Ah fasax ka yihiin Shaqada Munaasibadda Al-isra wal-micraaj Awgeed.

Hayโ€™adda Shaqaalaha Dawladdu iyada oo ka duulaysa Xeerka Shaqaalaha Dawladda, Xeer Lr. 97/2022, Qodobkiisa 64aad, waxa ay ku wargelinaysaa dhammaan masuuliyiinta Wasaaraddaha iyo Hayโ€™addaha Dawliga ah, in shaqaalaha dawladdu fasax ka yihiin shaqada maalinta Khamiista 08 February, 2024 oo ah xuska Al Israโ€™Wal Miโ€™raj, oo ah habeenkii la dheelmiyay Nebi Maxamed Naxariis iyo Nabad Gelyo Korkiisa Ha ahaatee, kuna beegan 27 Rajab 1445 ee Hijriga.

Haddaba, Guddoomiyaha Hayโ€™adda Shaqaalaha Dawladdu, isaga oo ku hadlaya afka shaqaale-weynaha Qaranka Jsl, waxa uu hambalyo u dirayaa dhammaan shaqaalaha dawladda, xaasaskooda iyo carruurtoodba munaasibadda Al Israโ€™Wal Miโ€™raj awgeed u rejaynaya in aynu ku gaadhno sannadkan sannadkiisa, badhaadhe iyo nabad-gelyo waarta, Insha Allah.

F.G: Waxa shaqada dib loogu soo noqonayaa maalinta Sabtida ee ay bishu tahay 10/02/2024.

Alla Mahad Leh

Khalid Jama Qodax
Guddoomiyaha Hayaโ€™adda Shaqaalaha Dawladda JSL.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here