SAWIRRO: Shir Caalamiya oo Maanta Ka Furmay Muqdisho, Jubbaland iyo Puntland oo Ka Maqan

0
468

Muqdisho (Hargeisa Press) โ€“ Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxa Maanta ka furmay Shirka Madasha iskaashiga.

Shirkan ayaa waxa ka qayb-galay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya, madax ka socota Midowga Yurub, Uruka iskaashiga Islqamka, Qaramada Midoobay iyo wakiillada 50 Dowladood oo Saaxiib laโ€™ah Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxa si rasmi ah u furay Raysal-wasaare ku-xigeenka Dawladda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, waxaana furitaanka Shirka goob-joog ka ahaa Ergeyga gaarka ah ee ย Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ย iyo Wakiilka Midowga Afrika Francisco Madiera.

Raysal-Wasaare ku-xigeenka ayaa ka hadlay horumarrada dowladda sameysay, isagoo ka warbixinaya labadii sano wixii dowladda u qabsoomay, ย waxaa uu xusay in dowladda ay diyaarisay sharciga doorashooyinka oo ย hor yaalla Baarlamaanka, isagoo xusay in doorashooyinku noqon doonaan kuwo dadweyne oo Hal Cod iyo Hal Qof ah.

Shirkan ayaa waxa ka maqan oo aan ka qayb-gelin Maamul-gobolleedyada Soomaaliya, sida Jubbaland iyo Puntland.

 

Hargeisa Press.com/Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here