βWaxaanu Banggiga Aduunka U Soo Bandhignay Warbixin Qoraal Ah Oo Aanu Ka Samaynay Halkii Laga Soo Bilaabay Dib U Habaynta Shaqaalaha Dawladda, Hiigsiga Dhaw Iyo Himilada Mustaqbalka Fogβ¦β
Hargeysa , (HargeisaPress) βWakiilka ugu sareeya Bangiga Aduunka ee dalalka Somaliland iyo Somalia Mr Mr Hugh Riddell, ayaa Soo gaadhay magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa, waxaana u jeedada safarkiisu ahaa mahadnaq iyo bogaadin shaqadii adkayd ee Hayβadda shaqaalaha dawladda ee Somaliland ku diwaangelisay shaqaalaha dwladda ee guddaha dalka ku sugan.
Kulanka uu shalay Wakiilka ugu sareeya Bangiga Aduunka ee dalalka Somaliland iyo Somalia Mr Mr Hugh Riddell uu kula yeeshay Guddoomiyaha Hayβadda shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle iyo saraakiisha kale ee hayβadda shaqaalaha, ayaa kulankaasi oo ka qabsoomay Xarunta Hayβadda shaqaalaha ee Hargeysa, waxa sarkaalkani Bangiga aduunka ka socday uu si wayn u bogaadiyey uguna mahadceliyey Hayβadda shaqaalaha dawladda Somaliland ee dalka ka fulisay mashruucii diwaangelinta shaqaalaha dawladda, waxaana Guddoomiye sharmarke Geelle oo kulankani faahfaahin ka bixyey kulanka ay la qaateen Sarkaalkan ka socda Baanka Aduunka uu qoraalkiisa ku yidhi.
– Wakiilka Bandiga aduunka βWorld Bankβ u qaabilsan amuuraha Somaliland iyo Somalia Mr waxaa Hugh Riddell oo ay wehelinayaan saraakiil sar sare oo ka socota banggiga aduunka iyo sida oo kale agaasimaha guud ee qorshaynta ayaa socdaal isugu jira booqasho iyo bogaadin ku soo gaadhay Hayβadda Shaqaalaha Dawladda JSL
– Intii kulanku socday ayaa gudoomiyaha hayβadda shaqaalaha dawladda Md Sharmaarke Axmed Muxumed ugaΒ xaal waramayΒ xogta iyo xaalka dhinacyada is-kaashi ee banggiga aduunka iyo sida oo kale hayβadda shaqaalaha dawladda, iyada oo ayΒ ka wada hadleenΒ hannaanka haboon iyo hilinka loo marayo hiigsiga hayβadda shaqaalaha dawladda ee helitaanka shaqaale xulan, xirfad le oo xoolo iyo xasaanad ba ka dhisan. Sida oo kale Gudoomiyaha hayβadda shaqaalaha dawladda ayaa banggiga aduunka u soo bandhigay warbixin qoraal ah oo ay ka sameeyaan halkii laga soo bilaabay dib u habaynta shaqaalaha dawladda, hiigsiga dhaw iyo himilada mustaqbalka fog
– Mr Hugh Riddell ayaa dhinaciisa bogaadiyey hawshaa baaxada badan ee hayβadda shaqaalaha dawladdu qaranka u hayso iyo sida xirfada, xisaab-celintaΒ iyo xikmada leh ee ay u wada shaqeeyaan labada dhinac isaga oo u rajeeyey mustaqbal wanaagsan iyo wada shaqayn tolmoon.
Isku soo wada duuboo, hawl-qabadka dib u habaynta shaqaalaha dawladda oo mudooyinkii u dambeeyey ahaa shamac ka dhex ifayey mashaariicda horumarineed ee dalka Somaliland soo gaadhay ayaa saxiibada hayβadda shaqaalaha ka taageera ka tibaax bixiyeen sida ay ugu qanacsan yihiin hab-socodka iyo hogaaminta uuΒ ku socdaba.