Xukuumadda Somaliland Oo la Filayo Inay Maanta Ka Hadasho Sababaha Loo Joojiyey Xuska Sanadkan Ee 18-May

0
1016
Aqalka Madaxtooyadda Somaliland

Hargeysa, (HargeisaPress) β€”Warar xog ogaal ah oo aan helayno ayaa waxay sheegayaan in maanta la filayo in madaxtooyada Somaliland ay ka hadasho xuska maalinta qaranimada Somaliland ee 18-may oo sanadkan wararku sheegayaan in xukuumadda Somaliland joojisay.

Ilo ka agdhaw madaxtooyada Somaliland ayaa Ramaasnews u sheegay in xalay wasiiradda Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ay shir ku yeesheen madaxtooyada isla markaana ay kaga wada tashanayeen Xuskan 18-May ee sanadkan.

Waxaana la filayaa in maanta ay madaxtooyada Somaliland ka hadasho natiijada kasoo baxday kulankooda iyo sababaha ay xukuumadda Somaliland sanadkan u joojisay xuska maalinta qaranimada Somaliland ee 18-may oo sanadkiiba hal mar si wayn looga xuso Somaliland iyo waliba waxa ay ku badaleen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here