Hogaaanka Garabka Haweenka Heer Qaran Ee Waddani Oo Si Rasmi Ah Loo Doortay + SAWIRRO

0
817

Hargeysa, (HargeisaPress) โ€” Shirweynahii koowaad ee garabka haweenka heer qaran ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, oo illaa saaka ka socday hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa si rasmi ah hada loogu doortay guddoomiyaha, guddoomiye ku xigeeno iyo hogaanka garabka haweenka heer qaran ee xisbiga Waddani.

WADKKLL

Madashan oo uu goob joog ka ahaa guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), hogaanka xisbiga, ergooyinka garabka haweenka ee ka kala socday gobalada dalka iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

WADAK

Waxaan ka dib codayn gacan taag ah si rasmi ah loogu doortay guddoomiyaha garabka haweenka heer qaran ee xisbiga Waddani Marwo:Ifraax Cumar Xasan oo ka socotay ergooyinka ka yimi gobalka Hawd, halka guddoomiye ku xigeenka koowaad-na loogu doortay Marwo:Foosiya Kayse Faarax oo iyaduna sida oo kale ka socotay gobalka Sool, waxaa sida oo kale halkaasi lagu doortay guddoomiye ku xigeenka Labaad ee garabka haweenka xisbiga Waddani Marwo:Safiya Cumar Xasan oo ka socotay gobalka Maroodi-jeex, kana soo jeeda beelaha la hayb sooco ee Gabooye.

WADKAK

Shirweynahan koowaad ee garabka haweenka heer qaran ee xisbiga Waddani, waxaa sida oo kale lagu doortay hogaanka garabkaasi, waxaana ay kala ahaayeen xubnaha halkaasi lagu doortay.

WADKHJ

รผย ย Hogaanka Maaliyada oo loo doortay Saynab aw-Cilmi Maxamed kana soo jeeda gobalka Awdal.

รผย ย Hogaanka Waxbarashada oo loo doortay Deeqa Dhamac Cabdilaahi kana soo jeeda gobalka Maroodi-jeex.

รผย ย Hogaanka Qorsheynta oo loo doortay Muxubo Maxamed Axmed oo iyaduna ka soo jeeda gobalka Sanaag.

รผย ย Hogaanka abaabulka iyo wacyi-gelinta Faadumo Aadan Cawad oo ka soo jeeda gobalka Maroodi-jeex.

รผย ย Hogaanka Laamaha dibedda Nasra Ismaaciil Maxamed oo ka soo jeeda gobalka Togdheer.

รผย ย Hogaanka xidhiidhka gobalada iyo degmooyinka Aamina Maxamed Xirsir oo iyaduna ka soo jeeda gobalka Togdheer.

รผย ย Hogaanka cadaalada oo loo doortay Mushtaaq Ibraahim Nuur oo ka soo jeeda gobalka Maroodi-jeex.

รผย ย Hogaanka xuquuqul insaanka oo loo doortay Nimco Cabdi aw-Cali, kana soo jeeda gobalka Maroodi-jeex.

รผย ย Hogaanka arrimaha bulshada oo loo doortay Caasha Maxamed Dege, kana soo jeeda gobalka Saaxil.

รผย ย Xoghayaha garabka haweenka ee heerย ย qaran oo iyadana loo doortayย ย Maryan Maxamuud Dirir oo ka soo jeeda gobalka Sanaag.

รผย ย Xoghaye ku xigeenka garabka haweenka heer qaran Idil Cabdilaahi Giire oo ka soo jeeda gobalka Salel.

รผย ย Afhayeenka garabka haweenka heer qaran ee xisbiga Waddani oo iyadana loo doortay Amaal Yuusuf Cabdilaahi, oo ka soo jeeda degmada Salaxlay.

รผย ย Lacaghaye oo iyadana loo doortay Amran Xaashi Cabdi oo ka soo jeeda gobalka Maroodi-jeex.

 

HargeisaPress News Desk โ€” Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here