Madaxwayne Farmaajo Oo Xariga ka jaraya Dhismaha Cusub ee Garoonka Diyaaradaha Garowe

Wararka Maanta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi  (Farmajo) oo shalay gaaray magaalada Garowe ayaa maanta lagu wadaa inuu xariga ka jaro Garoonka Diyaaradaha magaalada Garowe, oo si casri ah loo dhisay.

Waxaa saakay magaalada Garowe ka socota qaban qaabada ku saabsan Munaasabadda xarig jarka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garowe

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray magaalada Garoowe ayaa kulamo wadatashi ah xalay la yeeshay Madaxda maamulka Puntland iyo qaar ka tirsan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay  magaalada Garowe kaga qeyb galaya Xaflada Afar sano guuradii ka soo wareegatay markii la doortay Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) oo ku beegan maanta 08-da January 2018.