Taliyaha ciidamada Israa’iil Lieutenant General Herzi Halevi ayaa sheegay in weerarka Israa’iil “jawaab ka bixin doonaan”.
Wuxuu sheegay in Iraan ay la kulmi doonto cawaaqibka ka dhashay tallaabooyinkii ay qaaday, wuxuuna sidaas sheegay xilli uu ku sugnaa Koonfurta Israa’iil.
Milateriga Israa’iil faahfaahin badan kama bixinin nooca jawaabta ah ee ay bixinayaan, inkasta oo afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil inuu sheegay inay tallaabadaas qaadi doonaan marka ay go’aamiyaan wakhtiga.
Maraykanka oo saaxiib dhow la ah Israa’iil ayaa ku booriyey inay is xakameeyaan, isaga oo sheegay in guuldarrada ku timi weerarkii Iran, in taas lafteedu ay tahay guul ballaadhan.
Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca ee Maraykanka Major General Pat Ryder ayaa sheegay in gantaalladii iyo diyaaradihii ka badnaa 300 ee ay ridday Iran, in 99% la soo riday.
Aqalka cad ee Maraykanka ayaa isna Isniintii sheegay in Israa’iil ay haatan joogto boos ka xoog badan kii ay maalmo ka hor joogtay.
Britain, France, Jordan iyo Sucuudiga ayaa ku biiray isbahaysiga Maraykanka iyo Israa’iil si loosoo rido gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran.