haatuf.net
Daawo: Munaasibad Hargeysa Ka Qabsoontay Oo Lacag $100,000 Ku Dhaw Loogu Ururiyey Garoonka Kubadda Kolayga Ee Xasan-Xoog
July 27, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, July 28, 2015 (Haatuf) – Ku dhawaad Boqol kun oo dollar ($100,000) oo qaadhaan ah ayaa loogu yaboohay dhismaha Garoonka Kubadda Kolayga ee Xasan Xoog Stadium oo laga hir-gelinayo Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Garoonkan ayaa noqon doona mid dedan oo lagu ciyaaro Kubadda Kolayga, waxaana lagu dhisayaa Olole iskaa wax u qabso ah oo ay dawladdu hogaaminayso.

Lacagta Qaadhaanka ah ee loogu deeqay dhismaha Garoonkan ayaa waxa lagaga dhawaaqay Xaflad balaadhan oo Habeenkii Axadda lagu qabtay Hudheel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, taasoo ay ka qayb-galeen Wasiiro, Ganacsato, xubno kamida bahda Ciyaaraha kala duwan iyo metelayaal ka socday qaybaha kale ee Bulshada.

Qaadhaankan ayaa intiisa badan ay balanqaadeen xubno kamida ka qayb-galeyaasha Xafladdu, halka qaarkoodna ay sheegeen inay soo qadimayaan taageeradooda.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dalxiiska Yuusuf Cismaan Garas oo munaasibada hadal ka jeediyey, ayaa sheegay inay wasaarad ahaan lacag dhan toban kun oo Dollar ugu darayaan Miisaaniyada sanadka dambe dhismaha Garoonkan. Wasiir Garas ayaa intaas raaciyey in Ciyaaruhu laf dhabar u yihiin Dhaqaalaha, Isdhex-galka iyo Dhaqanka suuban ee Dhalinyarada, sidaas darteed ay wasaarad ahaan u taaganyihiin sidii loo horumarin lahaa Barmaamujyada lagu dhiiri gelinayo inay da’yartu u jeestaan dhanka Ciyaaraha, Tacliinta iyo Kaabeyaasha nolosha.

Xubno kamida wasiirrada ka qayb-galay Shirka iyo Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, oo halkaa ka hadlay ayaa iyaguna soo dhaweeyey Mashruucan, kuna hambalyeeyey Dhalinyarada hindistay.

Halkan ka Daawo Warbixin Muuqaal ah:

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS