haatuf.net
Madaxweyne Siilaanyo Oo Caruurtii Dugsiyada Hoose Dhexe Loo Soo Tubay Wadooyinka Markii Loo Waayey Cidkaloo U Soo Baxda
May 15, 2016 - Written by Admin Two

 

 

Hargeysa,May 15,2016(Haatuf)- Soo noqoshadii uu maanta galinkii dambe ku soo laabtay Caasimadda ayaa dadweynaha reer Hargeysa  waxay u aheyd malin kale oo cusub oo ku biiraysa maalmihii badanaa ee ka horeeyey ee ay karaahiyeysan jireen dhibtuna ka soo gaadi jirtay imaatinka ama  ambabaxa madaxweynaha dalkooda .Ilaa duhurkii waxa xayirnaa wadooyinka halbawlaha ah ee dhex mara magaalada.Waxa la arkayey dad waayeel iyo caruurba isugu jira oo ehelkoodii cusbitaalada kula cararayey ay  kala dageen gawaadhidii ay ku sideen oo tunka ama dhabarka ku qaadeen ilaa Cusbitaalka Guud ama kuwa gaarka loo leeyahay sida Gargaar wadooyinka xaniban awgeed.

Madaxweyne Siiraanyo ayaa waxa loo sii tubay wadooyinka caruur yaryar oo wax ka dhigata dugsiyada Hoose/Dhexe ka dib markii ay xukuumaddu wayday dad kale oo soo ‘dhaweeya’.

Dhinaca kale waxa la sheegay in xukuumaddu ka baqaysay in mudaaharaadyo lagala hortago Mr Siiraanyo iyo wafdigiisa soo noqoshodoodi galinkii dambee maanta.


 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS