haatuf.net
Heshiiskii Ay Kala-saxeexdeen Xukuumadda Iyo Mucaaridka Oo Abuuray Khilaaf Cusub Oo Horleh & Guddoomiyaha Guurtidda Oo Ku Gacan-saydhay
May 28, 2015 - Written by Admin Two

“Ma Ogin Sharci Asxaabta Siinaya Muddo Kordhin, apoplectic Muddo Kordhinta Hay’adda Qudha Ee Distuuriga Ah Ee Qarankan Wax Kordhin Kartaa Waa Golaha Guurtida”Saleebaan Gaal

 

 

Hargeysa, May 28, 2015 (Haatuf) – Heshiiskii laga gaadhay khilaafkii muddo-kordhinta ee muranku ka taagnaa ee ay habeenkii xalay xarunta madaxtooyadda ku kala-saxeexdeen xukuumadda iyo xisbul-xaakimkeeda oo dhinac ah iyo labada xisbi-mucaarid ee UCID iyo Waddani ayaa markale is-taadhay xiisad kale oo horleh, kaas oo uu si cad ugu gacan saydhay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal)  oo isagu sheegay inaanay aqbalaynin in wax laga badalo sanad iyo 10-kii bilood ee ay hore ugu kordhiyeen Madaxwayne Siilaanyo.

Mr Saleebaan waxa uu tibaaxay inaanay axsaabta iyo xukuumadda-bu awood sharci u lahayn inay go’aamiyaan muddo-kordhinta lagu muransanaa, kaas oo meel adag iska taagay wax ka badalkeeda.

Heshiiskan xalay labada dhinac ku kala saxeexdeen madaxtooyada ee burinaya go’aankaas guurtida ayaa lagu xusay in doorashooyinku dalka ka dhici-doonaan bisha December ee sanadka 2016-ka, kaas oo meesha ka saaray awoodi sharci ee distuurka Somaliland siiyey Golaha Guurtida, isagoo Guddoomiye Saleebaan tilmaamay in go’aankaas hore uu ahaa mid sharci ah oo aan marnaba laga noqondoonin.

Ugu horayna Guddoomiyaha aqalka odayaasha Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo mar uu maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargeysa ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaanu maqlaynay in saddexda gudoomiye ee axsaabta qaranku ay isku raaceen inay doorasho qabanayaan bisha December ee sanadka 2016-ka. Ma ogin sharciyad asxaabta siinaya muddo kordhin. Muddo kordhinta hay’adda qudha ee dastuuriga ah ee qarankan wax kordhin kartaa waa golaha guurtida. Golaha Guurtiduna doorashada waxay ka dhigeen bisha March ee 2017-ka. Madaxweynaha iyo Komishanka qaranku bisha March ee loo cayimay meesha ay ka dhigayaan maalinta doorashada waa u fasax laakiin cid kale oo dastuurku xaq u siiyay muddo kordhini ma jirto”.

Saleebaan Gaal isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey “Xukuumadda maanta joogta ee Madaxweynaha uu ka yahay Siilaanyo, tii hore waxay kaga eeg tahay 27-ka July 2015, haddii ay doorasho qaban kari waayeen, wixii sharciga iyo dastuurku bixiyeen waxa weeye in loo hogaansamo go’aanka golaha guurtida, sharciyadda qaranku waa kaas”.

Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa mar uu farriin u dirayey shacabka Somaliland, waxa hadalkiisa ka mid ahaa “Umadda reer Somaliland waxaanu u sheegaynaa in sharcigii qaranku kaas yahay, awooddana Golaha Guurtidu leeyahay, qaranna wuxuu ku dhaqmaa waa sharciyad, Allahayow sharci la’aan hana badin uu ninkii doonaaba samaysanayo awood uu sharciga ku maroorsado, waxa weeye doorashadii 27-ka March 2017-ka”.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS