Xidhiidhka Diblomaasiyadeed Ee Somaliland Iyo Taiwan Oo Indhaha Caalamka Soo Jiitay
September 12, 2020 - Written by Khalid King
(Cabays Media) – Fadhi ay maanta yeesheen mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, waxay taageero u muujiyeen Cilaqaadka Diblomaasiyadeed ee ay yeesheen Dawladdaha Somaliland iyo Taiwan.
Guddida arrimaha dibada ee Golaha Wakiillada, ayaa Cilaaqaadkan labada dhinac yeesheen ku tilmaamay mid dhaxal-gala.
Sidoo kale, Warbaahinta South China Morning Post oo ka mid Warbaahinta caalamka ee wax ka qoray Xafiiska Somaliland ka furtay Taipei ayaa sheegay in Xafiisku kor u sii qaadayo Xidhiidhka koraya ee Somaliland iyo Taiwan.
Xidhiidhkan Diblomaasiyadeed ee dhex-maray Somaliland iyo Taiwan, ayaa noqday mid soo jiitay indhaha caalamka. Iyadoo dhawaan Somaliland Xafiis Diblomaasiyadeed ka furatay Taiwan.
Cabays news.com
COMMENTS